Borama News Network

Ra’iisul Wasaare Xamsa & Madaxweyne Laftagareen oo kulan wadajir ah la qaatay Senatarrada Aqalka Sare ku metala Koofur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaatay Senatarrada Dowlad-Goboleedkaas ku metala Baarlamaanka JFS.

Waxyaabaha diiradda lagu saaray kulankaan waxaa kamid ah xoojinta is fahamka laga gaaray kulamadii ka dhacay Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ee dhexmaray Ra’iisul Wasaare Xamsa & MW Laftagareen.

Xildhibaannadaan kasoo jeeda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed isla markaana xubnaha ka ah Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo u tegay la kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa soo gabagabeeyay kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Xubnaha heer federaal, Heer Dowlad-Goboleed, Siyaasiyiin & qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Related posts

Madaxweynaha Jabuuti oo shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay Geerida Madaxweyne hore Siilaanyo.

Abdiaziz Bnnstaff

“Mucaaridad Naar Naar Ah U Diyar Garooba Kulmiye Na Aakhiro Ayaan Ku Kala Hadhaynaa..” Wasiir Hore Buuni

Abdiaziz Bnnstaff

Diblamaasi Muddo 40 Sano Ah Basaasayay Dowlada Maraykanka Oo Lagu Xukumay Xabsi 15 Sano

Abdiaziz Bnnstaff