Borama News Network

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Qurba Joogteenna Soomaaliyeed Waxa Ay Buuxiyeen Kaalintii Dowladnimada.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay dowrka muhiimka ah ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo ku boorriyay maalgashiga ay ka sameeyaan Soomaaliya.

“Qurba joogta Soomaaliyeed waxa aad buuxiseen kaalintii dowladnimada, ku dhawaad 2 Bilyan ayaa waxa aad sannad walba u dirtaan dalkiinna hooyo, taageeradiinna dhaqaale waxa ay ka badan tahay gargaarka caalamiga ah iyo kaalmada Soomaaliya ee la siiyo oo la isku daray.” ayuu yiri: Ra’iisul Wasaare Xamsa

Sidoo kale, waxa uu xusay in qurbajoogta ay yihiin lafdhabarka isbeddellada wanaagsan ee Soomaaliya ka socda, isagoo tilmaamay sida ay qeyb uga noqdaaan dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha, amniga, iyo adeegyada bulshada.

Related posts

Wasiir Buuni Oo Ka Warbixiyay Qaabka Gobolka Awdal Loogu Soo Dhawayn Doono Waftiga Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland Oo Ku Dhamaaday Natiijadii Doorashada Jubaland

Abdiaziz Bnnstaff

Xaalada Guud Ee Dalka Sudan Oo Walaac Xoogan Laga Muujinayo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff