Borama News Network

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo gambaleelka u yeeriyay suuqii ugu horeeyay ee saamiyada ee ay Itoobiya yeelato tan iyo xiligii boqor Xayle Salaase

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta si rasmi ah u furay suuqa saamiyada ee Itoobiya oo ah kii ugu horeeyay ee laga sameeyo mid kamid ah wadamada ugu koboca badan dhaqaalaha Afrika muddo konton sano ah.

Kadib markii uu gambaleelka u yeeriyay suuqa cusub ayaa ra’isul wasaare Abiy waxa uu hoosta ka xariiqay in tani tahay yool gaaris taariikhi ah oo uu gaaray dhaqaalaha Itoobiya iyo hannaanka maaliyadda ee dalkaasi.

“Waxan si rasmi ah gambaleelka ugu yeerinay furitaanka suuqa saamiyada – suuqii ugu horeeyay ee saamiyada ee dalkeena. Maalgalinta Itoobiya – koboca dhakhsaha leh ee dhaqaalaha iyo firfircoonida aan u qaadnay dhinaca barwaaqada,” ayuu ku qoray Abiy barihiisa bulshada.

Itoobiya ayaa lahayd suuq saami muddo 14 sano ah xiligii boqor Xayle Salaase, balse waxa meesha ka saartay 1974-kii dawladdii milatariga ahayd ee isaga afgambisay.

Related posts

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Xubnaha Golaha Wasiiradda Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff

Mashruuc Ay Ku Baxday Lacag Dhan 500 Oo Kun Oo Dolar Ayaa Lagu Waareejinayaa Qof Shacib Ah” Wasiir Koore

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Algeria Oo Xadhiga Ka Jartay Masaajidka Ugu Wayn Qaarada Africa Iyo Tirada Dadka Uu Qaadayo Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff