Borama News Network

Raysal wasaaraha cusub ee Canada oo ka hadlay arrinta Trump, ballan qaadayna inuu shaqooyin badan abuuri doono

Dib u soo noqoshada raysal wasaare Carney ayaa waxa uu diiradda ku saarayaa xiriirka Canada iyo Mareykanka, Carney hadda wuxuu dareenkiisa ku wajahan yahay madaxweynaha Mareykanka. Waxa uu sheegay in isaga iyo Donald Trump ay “ka wadahadli doonaan mustaqbalka laba dal oo kala madax-bannaan . Dawladda Libaraalka ayaa xoojin doonta iskaashiga dalalka Yurub iyo meelo kale, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Haddii Maraykanku aanu doonayn in uu safka hore kaga jiro hoggaanka adduunka, Canada waxay ahaan doontaa waddama haya hoggaanka, Carney ayaa sidaas u sheegay taageerayaashiisa. Waxa uu sheegay in Canada ay noqon doonto dal awood weyn ku leh tamarta, dawladdiisuna ay abuuri doonto shaqooyin xoobadan, isaga oo intaa ku daray: “Tani waa Canada, waxaanu go’aansanay waxa halkan ka dhacaya.”

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Itoobiya Ku Eedeeyay In Ay Halis Galinayso Xasiloonida Gobolka Geeska Africa

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Oo Weeraradii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Magaalada Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

“Cadawga Dibadda iyo War Xumo Tashiilka Dadka Somaliland Isku Diraya Waa In ….” Siyaasi Ramaax

Abdiaziz Bnnstaff