Borama News Network

Raysal Wasaaraha Dalka Somaliya Xamse Cabdi Bare Oo Ku Waajahan Raaskanbooni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Raaskambooni Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ila kala duwan.
Taliyaha Ciidanka Lugta, Saraakiil katirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo ciidanka gaarka u ah ilaalintiisa ayaa gaaray Magaaladaan Xeebta leh ee Raaskambooni oo maalmo kahor Ciidanka Federaalka la wareegeen.
Xamsa ayaa marka uu tago Magaalada Raaskambooni waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Saraakiisha Gorgor & Kuwa Haramcad ee amniga Magaaladaan gacanta ku haya iyo xubno katirsan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka Xamsa waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo weli jirto xiisadda ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Jubbaland isla markaana saacadihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaq ciidan labada dhinac wadaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa horay u qorsheeyay in uu safar ku tago Magaalada Kismaayo balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor istaagay si aanay uga sii darin xiisadda Federaalka & Dowlad-Goboleedkaas ka dhex jirta.

Related posts

”Muuse Iyo Maxamaed Kaahin Iyaga ayaa naga badsada Xamar, Cirro na…”Guddoomiyah Xirsi Cali Xasan

Abdiaziz Bnnstaff

Urur Siyaasaddeedka Hillaac oo fariin u diray Taageerayaashiisa

Mustafe haji

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Oo Shaaciyay In Dalkaasi Uu Qoranayo 160 Kun Oo Dhalinyaro Ciidan Ah

Abdiaziz Bnnstaff