Borama News Network

Raysal Wasaaraha Israa’iil oo maxkamad la soo taagayo maanta iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu wadaa in maanta maxkamad uu tago isla markaana uu caddeeyo eedeymo musuqmaasuq oo loo haysto in ay jiraan iyo in kale.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay inuu u sameeyay tanaasulaad sharci milkiilayaasha warbaahin si ay xoogga u saaraan wararka wanaagsan ugana weecdaan wararka xanafta leh, iyo inuu aqbalay hadiyado qaali ah.Waxyaabaha kale ee lagu eedeynayo waxaa ka mid ah inuu horumarin ku sameeyay dano shaqsiyadeed.

Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay eedeymaha.

Waxa uu noqonayaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Israa’iil oo isaga xil haya muujiya inuu iska difaacayo eedo loo haysto.Netanyahu ayaa marar badan isku dayay in uu dib u dhigo maxkamadayntiisa sababo la xiriira dagaalka Qasa iyo arrimo amni, balse todobaadkii hore ayay garsoorayaashu amar ku bixiyeen in dacwadda la sii wado.

Dhawaan ayay ahayd markii garsoorayaasha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka adduunka ee ICC, ay soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu. Waxaa lagu eedeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo uu Qasa ka gaystay.

Related posts

Murashax Cabdiraxaan Ciro Oo Ka Jawaabay Suaalo Kala Duwan Oo Ay Waydiiyeen Qaar Ka Mid Ah Dhalinyarada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Mareykanka Oo Ka Digay Khatarta Heshiis Hub Oo Dhex Maray Kooxaha hubaysan ee Yemen iyo Somalia

Abdiaziz Bnnstaff

“Soomaaliya dabin ayay rabtaa in ay inoo dhigto ee ilmada yaxaaska ha ku Dagmina” Siyaasi Cali Waran-cade

Abdiaziz Bnnstaff