Borama News Network

Raysal Wasaaraha Israa’iil oo sheegay in dib loo dhigay dhaqan-galka heshiiska xabbad-joojinta Qasa

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dhaqan-galka heshiiska xabbad-joojinta Qasa dib loo dhigay ilaa ay Xamaas kasoo bandhigeyso liiska dadka ay heystaan.

War kasoo baxay xafiiskiisa ayuu ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ku amray inaysan bilaabin xabbad-joojinta, oo lagu waday inay dhaqan-gasho saakay abbaaro 8:30 waqtiga gudaha (06:30 GMT).

Xamaas ayaa sheegtay in dib u dhaca ay sabab u yihiin “sababo farsamo”.

Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa xalay ka digay in wejiga ugu horreeya ee heshiiska lagu joojinayo dagaalka Qasa uu ahaa “xabbad-joojin ku meel gaar ah”, isla markaana ay Israa’iil leedahay xaqa ah inay dagaalka dib u billowdo, iyadoo Mareykanku taageerayo, haddii la jebiyo.

Related posts

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Maamulka Gobolka Awdal

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Ku Dhawaaqday In Ay Iska Difaaci Doonto Itoobiya Hadii Ay Ku Adkaysato Fulinta Heshiiskii Ay La Gashay Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Khatar Caafimaad Oo Culus Oo Ku Soo Fool Leh Dadka La Nool Xanuunka Macaanka Oo Laga Digay

Abdiaziz Bnnstaff