Borama News Network

Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Wacad Ku Marah In Ay Ka Aarsan Doonaan Dalka Hindiya

Waxaa weli taagan xiisadda u dhaxeysa dalalka Pakistan iyo Hindiya, ka dib markii ay Hindiya shalay gantaallo ku weerartay dalka Pakistan iyo qeybta ay Pakistan maamusho ee Kashmir, oo labada dhinac ku muransanyihiin.

Labada dal ayaa is dhaafsanaya hadallo kul kulul. Raysal wasaaraha Pakistan, Shabaz Shariif, ayaa sheegay in Hindiya ay ku degdegtay go’aankii ay ku weerartay Pakistan, isagoo wacad ku maray inay u aari doonaan dhigii daatay.

Hadalkan ayuu sheegay xili uu khudbad u jeedinayay shacabka dalkiisa. Tallabada Hindiya ayu uku tilmaamay mid “fuleynimo ah.

Waxaa uu sheegay in ciidamadooda cirka ay soo rideen diyaarado dagaal oo ay leedahay Hindiya, taas oo Hindiya aanay weli xaqiijin.

Related posts

Ehelka Askarta loo qorsheeyay in ay weeraraan Rafax oo fariin culus u diray Netanyahu

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal Qorsheysan Ku Dilay Xubno Katirsan Kooxda Al Shabaab

Abdiaziz Bnnstaff

Umada Somaliland Xaq Bay Uleeyihiin In Ay Heleen Aqoonsi Oo Ay Heleen Boosakii ay Caalamku Ku Lahaayeen” Prof Samatar

Abdiaziz Bnnstaff