Borama News Network

Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amababaxay Kuuriya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Hamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka, iyaga oo kusii jeeda magaalada Seoul ee Kuuriyadda Koonfureed oo ay uga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika, kaas oo qabsoomaya 4 – 5ta Juun.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaalle ayaa warbaahinta uga warramay shir madaxeedka 2024 ee Kuuriya iyo Afrika. Waxa uuna sheegay in Ra’iisulwsaaaruhu uu ka qeybgali doono shirweynihii ugu horreeyay ee Kuuriya iyo Afrika.

“Shirka ayaa waxa looga wada hadli doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Kuuriya iyo Afrika ee soo bilowday 1950kii”.

Inta uu shir madaxeedku socdo waxa ka qeybgeli doonoo madax ka socota Midowga Yurub iyo Bangiga Horrumarinta Afrika waxaana looga wadahadli doono sidii ay iskaashi ula yeelan lahaayeen qaaradda Afrika.

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madasha Shirka taas oo uu kaga hadli doono xaaladda Soomaaliya, isagoo kullamo gooni gooni ah la yeelan doono madaxda Afrika ee shirkaasi ka qeeybgaleysa.

Related posts

Axmed Madoobe Oo Isaga Baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Dibna Ugu Laabtay Magaalada Kismaayo

Abdiaziz Bnnstaff

Badhasaabka Gobolka Awdal Sharcigii Ayuu Ku Tuntay” Ururka Qareenada Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Gudoomiye Ku Xigeenka Qareenada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Tahay Xudunta Khilaafka Dalalka Masar Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff