Borama News Network

Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre muxuu kala hadlay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ku sugan waxaana uu kala hadlay arrimo dhowr ah.

Xamsa Cabdi Barre ayaa Ganacsatada ku dhiirrageliyay in ay kordhiyaan waxsoosaarta oo kaalin wayn ka qaadanaya sare u qaadista kobaca dhaqaalaha isla markaana ay diiradda saaraan maalgashiga Dalkooda Hooyo.

Barre ayaa farta ku fiiqay sida loogu baahan yahay maalgashiga & barnaamij shaqo abuur u noqonaya Dhallinyarada Soomaaliyeed oo intooda badan u baahan helista fursado ay ku shaqaynsan karaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu dul istaagay fursadda Soomaaliya ay ka dhex eeganayso Suuqa Bulshada Bariga Afrika ee loosoo gaabiyo EAC oo uu ku sifeeyay fursad suuq cusub ah oo lagu horumarin karo dhinaca Dhaqaalaha sida uu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ee Xisbiga Ucid Oo Si Adag U Duray Siyaasiyiinta Dhawaan Ku Biiray Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirkii Hore Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan Oo La Raq Iyo Ruuxba Lagu La’aa Oo La Sheegay In Uu Geeriyooday

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha JFS oo Addis Ababa ku Qaabilay Safiirrada Dalalka Jaamacadda Carabta u Jooga Ethiopia.

Abdiaziz Bnnstaff