Borama News Network

Raysal Wasaare Xamsa Iyo Safiirka Taliyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Damaca Dowladda Itoobiya Ee Badda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Dacco’ Coppi.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya ayaa diiradda waxaa lagu saaray, “Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sii yiri, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maalmihii la soo dhaafay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Related posts

“Sharci Ka Soo Horjeeda Dastuurka Cid Ansxin Kartaa Ma Jirto” Guddoomiye Cabdilaahi Darawal

Abdiaziz Bnnstaff

Baarlamanka UK oo ansixiyey qorshaha muhaajiriinta loogu tarxiilayo Rwanda

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaal buuxa miyuu isu beddeli doonaa iska hor imaadkii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil?

Abdiaziz Bnnstaff