Borama News Network

Raysal Wasaare Xamsa “Waxaan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda si isku mid ah loo dhaariyo”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, isaga oo sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa awoodda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada iyo kartida Shaqaalaha Rayidka ah.

“Maanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay. Waxaan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Siyaasaddaan cusub ayaa waxa ay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada.

Related posts

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Oo Hadiyad Qaali Ah Gudoonsiiyay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un

Abdiaziz Bnnstaff

Cimraan Khan oo ka hadlay wararka sheegayey in uu isbahaysi la samaysanyo xisbiga ay iskasoo horjeedaan

Abdiaziz Bnnstaff

Milatariga,sirdoonka Iyo Booliskuba”Saxaafadii Hargaysa Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Ilig Iyo Tacdi

Abdiaziz Bnnstaff