Borama News Network

Roobka saacadaha badan ka da’aya Muqdisho oo xiray waddooyinka qaar ee Caasimadda.

Ku dhawaad 10 saacadood waxaa Magaalada Muqdisho ka da’aya Roob saamayn taban ku reebay Waddooyinka Caasimadda iyo Isu socodka Gaadiidka kaddib markii Daadadka ka dhashay roobkaas ay fadhiisteen Waddooyin muhiim ah.

Qaar kamid ah Wadayaasha Gaadiidka Caasimadda ayaa Mustaqbal u sheegay in Waddooyinka qaar ay xirmeen kaddib markii ay ku hoortay xareedda roobka saacadaha badan ka da’aya Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka dhanka Xaafadah dhexmara ayay sheegeen wadayaasha Gaadiidka in qudhooda biyo degeen noqdeen intooda badan saakay ay joojiyeen shaqadii ay u hayeen Bulshada sida joogtada ah u raacda Gaadiidkooda.

Saxmad ayaa ka jirta waddooyinka kooban ee aanay lahayn biyo degeennada waxaana adag in si fudud isaga kala gudbaan Gaadiidka maadaama ay halkaas ku kulmeen Gawaari badan sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Inta badan marka uu da’o Roobka waxaa jira waddooyin lasii ogyahay in ay biyaha fadhiistaan ama degeen waxaana mararka qaar looga dhuuqaa Booyado halka kuwo kale ay maalmo yaalaan biyahaas sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan oo la hadlay Mustaqbal.

Related posts

Raysal Wasaare Xamsa Iyo Safiirka Taliyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Damaca Dowladda Itoobiya Ee Badda Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Qorshaynaysa Inuu Dhexdhexaadin Ka Galo Khilaafka Somaliland Iyo Somalia

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Oo Dacwad Ka Gudbinayaan Ciyaaryahanka Caanka Ah Ee Cristiano Ronaldo Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff