Borama News Network

Ruushka ayaa sheegay in uu taageero militeri iyo tabar siinayo Burkina Faso

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Ruushku uu u dirayo sahay militeri oo dheeri ah iyo tababarayaal Burkina Faso taas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro argagixisada.

Mr. Lavrov oo booqanaya galbeedka iyo bartamaha Afrika ayaa hadda ku sugan Burkina Faso. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu horumarinayo xiriirka uu la leeyahay dalka markii uu yimid caasimadda Ouagadougou.

Burkino Faso waxaa xukumayay militeri ilaa iyo 2022-kii, waxaana dalka ka dhacaydhowr afgembi.

Ruushku waxay raadinayeen in ay kordhiyaan saameynta ay ku leeyihiin Afrika, waxayna xiriir la sameysteen dhowr dal oo militeri xukumaan.

Related posts

Dallaaliinta hubka ee Yemen oo qoryaha ku iibinaya barta X

Abdiaziz Bnnstaff

“Waligay Ma Arag Maalin Cad Oo Mugdi Isku Bedesha” Eng Cabdi Daahir Oo ku Nool USA

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo Shaacisay Tirada Daacish Looga Dilay Duqeyn Xalay Ka Dhacday Gobolka Bari

Abdiaziz Bnnstaff