Borama News Network

Ruushka oo bam ku dhiftay guri ku yaalla Kharkiv Iyo Tarada Dadka Ku Dhintay Oo La Shaaciyay

Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 52 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki bambooyinka nuuca la hago lagu qarxiyay dhisme ay dad rayid ah daganyihiin oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa tusiyay burbur xoog leh oo soo gaaray qeybo ka mid ah dhisme ka kooban shan dabaq oo ku yaalla magaalada Kharkiv. Weerarkaasi ayaa dhaliyay in markiiba uu madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ku baaqo in lala soo gaaro gargaar iyo saanadaha hubka si ay isaga difaacaan halista Ruushka.

Qoraal uu ku baahiyay barta Telegram ayuu madaxweynaha Ukraine ku yiri “Bambaanooyinka la hagayo ee Argagaxisada Ruushka waa in la joojiyaa waana la joojin karaa, waxaan u baahanahay go’aano adag oo ka yimaada saaxiibadayada si ay noogu suurtagasho inaan joojino argagixisada Ruushka ”

Kharkiv ayaa ah magaalo kaliyah 30 km u jirta xadka Ruushka. Waxaa ku nool 1.3 oo ruux, waxay ka mid tahay magaalooyinka dhibanah u ah weerarada Ruushka ee Ukraine.

Ruushka ayaa weeraray Ukraine bishi Febraayo ee sannadki 2022-ki. Muddo 28 bil kaddib, waxaanan wali muuqan dhamaadka dagaalka Ruushka iyo Ukraine, kaas oo ay ku dhinteen tobnaan kun oo ruux.

Related posts

Dad Aqal Koodi Jooga Ayaa Leh Dagaalka Gala” Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Si Adag Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Masaxwayne Walba Awooduu Doona Ha Lahaadee Maalin Kuma Darsan Karo Xilka” Prof Shaafici Yuusuf

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Ajaaniib Lagu Eedeeyey In Ay Muqdisho Ka Qaateen Dahab

Abdiaziz Bnnstaff