Borama News Network

Ruushka oo doonaya in la soo xiro xaaskii hoggaamiyihii mucaaradka ahaa ee geeriyooday

Maxkamad ku taalla magaalada Moscow ayaa ogolaatay in la soo xiro xaaska uu ka dhintay hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexei Navalny oo lagu eedeeyay xag-jirnimo, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Eedeymaha lagu soo oogay Yulia Navalnaya, oo ku nool meel ka baxsan Ruushka, waxay la xiriiraan “ka qaybqaadashada fikrado bulshada xagjir looga dhigayo”, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Tass.

Navalny wuxuu ahaa hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn Ruushka tobankii sano ee la soo dhaafay.

Wuxuu ku dhintay bishii Febraayo xabsiga Arctic Circle. Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in uu u dhintay sababo dabiici ah – balse xaaska uu ka dhintay ayaa sheegtay in Navalny “la jirdilay isla markaana gaajo badan ay qayb ka ahayd waxyaabihii sabababey geeridiisa” iyadoo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin eed u jeedisay

“Maxkamadda Moscow waxay xukuntay in Ms Navalnaya, oo wacad ku martay inay sii wadi doonto shaqada ninkeeda, in la soo xiro”. Go’aankan ayaa ka dhigan in la xirayo haddii ay cag soo dhigto Ruushka.

Related posts

“Ninka Maalin cad kula lumay Habeen kuma hagi karo” Abwaan Weedhsame Oo Afka Furtay.

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay kawada hadlayaan Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya Iyo Jabuuti?

Abdiaziz Bnnstaff

Gargaar Loo Waday Dadka Reer Falastiin Oo Dhexda Loo Galay Iyo Cida Dhacday Gargaarkaasi Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff