Borama News Network

Ruushka oo ka fiirsanaya adeegsiga hubka Nukliyeerka kadib weerarkii Ukraine ku qaadday

Aqlka Kremlin-ka ee dalka Ruushka ayaa meel-mariyay isbeddello lagu sameeyay siyaasadaha isticmaalka hubka nukliyeerka ee Ruushka, iyada oo dejisay shuruudo cusub oo uu waddanku kaga fiirsanayo adeegsiga hubkiisa.

War ka soo baxay Kremlin-ka ayaa lagu sheegay in weerar ka yimaada dal aan Nukliyeer laheyn, oo taageero ka helaya quwad Nukliyeer haysata ay ula macaamilayaan sida weerar wadajir ah oo lagu soo qaaday Ruushka.

Isaga oo ka hadlaya isbeddellada daagaalka Ukraine, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa yiri: “Tan iyo bilowgii dagaalka gardarada ah ee ka dhanka ah Ukraine, Ruushka waxa uu damcay in uu cabsi geliyo Ukraine iyo dalalka kale ee adduunka iyada oo la adeegsanayo dhaqan aan mas’uuliyad ku dhisnayn oo la xiriira nukliyeerka”.

Warkaan ka soo baxay Ruushka ayaa ku soo aadaya iyadoo Ukraine ay ku weerartay Ruushka gantaallada Mareykanku u fasaxay in ay ku duqeyso bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Ruushka.

Related posts

Nin Qudha Dhafiyay 42 Haween Ah Oo Ku Soo Xushay Quruxdooda Waliba Si Toos Ah U Qirtay Dhintaasi Haweenka

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka iyo Shiinaha oo ka wada hadlaya xakamaynta ‘Garaadka Macmalka ah’

Abdiaziz Bnnstaff

Hanti Iyo Dhul Ay Cunaan Ayey Doonayaan Xildhibanada Maayir Mooge Raba Inay Xilka Ka Qaadaan…” Suldaanka Guud Ee Beesha Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff