Borama News Network

Ruushka Oo Ku Goodiyay ‘Jawaab Militari’ Ka Dib Markii Gantaalada Mareykanka La Geeyay Jarmalka

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Ryabkov ayaa ka digay in Moscow ay jawaab militari ka bixin doonto hanjabaadaha ka imaanaya Mareykanka iyo Jarmalka, iyadoon arrimahaa wax welwel ah ka qabin.

Waaxda wararka ee Pentagon-ka ayaa horay u sheegtay in Mareykanka uu billaabi doono in habab difaaca gantaallada riddada dheer loo diro Jarmalka sanadka 2026-ka.

Nidaamyadan ayaa k akooban gantaallada lidka diyaaradaha ee US SM-6, gantaallada Tomahawk cruise missiles iyo hubka lagu tijaabiyo hypersonic “oo leh tiro ka badan kuwa hadda la geeyo Yurub,” ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Mareykanka iyo Jarmalka.

Mr Ryabkov ayaa sheegay in tallaabooyinkan looga dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo ammaanka Ruushka.

Related posts

Maraykanka Oo Walaac Xoogan ka Muujiyay In Uu Ruushku Kala Wareego Kacan Ku Hayntiisii Qaarada Africa

Abdiaziz Bnnstaff

“Xisbiga Waddani waxa uu dhisaya ururka Kaah oo uu danihiisa Ka Shaqaynayo”Xildhibaan Cabdikariin

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Dalka Maraykanka Oo La Wareegay Jaamacad Ardayda Dhigtaayi Ay Taageero U Muujiyeen Falastiin