Borama News Network

Ruushka Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Weeraro Saldhigyada Isbahaysiga NATO Ee Dalka Germalja

Cabsi xooggan ayaa ka taagan Dalka Jarmalka gaar ahaan Saldhigyada Isbahaysiga NATO uu ku leeyahay Dalkaas maadaama Ruushka la ogaaday in uu abaabulayo diyaarano nooca duulliye la’aanta ah (Drones) uu doonayo in uu ku beegsado.

Ilo dhanka amniga & sirdoonka ah ayaa kusoo warramay in cabsidaas darteed heegan buuxa la geliyay dhammaan gantaallada muhiimka u ah in ay difaacaan hubka isbahaysiga NATO ka yaalla Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Yurub.

Xaaladdu waxa ay sii adkaatay kaddib markii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu si cad u sheegay in Gantaallo gaaraya 100 lagu garaacay Magaalooyin kamid ah Dalkiisa, mas’uuliyadda weerarkaas waxa uu dusha ka saaray Ruushka.

Waxaa la xadiday dhaqdhaqaaqa agagaarka Saldhigyada Isbahaysiga NATO ee Dalka Jarmalka, sababta loo diiday waa in laga fogaado Suuragalnimada weerarrada halkaas ka dhici kara iyo Dadka qaar oo kusoo dhex dhuuman karaan Basaasiin.

Jarmalka ayaa kamid ah Dalalka garab istaagga u muujiyay Ukraine kana soo horjeeda Ruushka oo duullaan ku qaaday 24kii Febaraayo 2022, Xukuumadda Berlin ayaa martigelisay dhiggeeda Washington oo Xifaaltan dhan weliba ah kala dhaxeeya Moscow.

Related posts

Jadeeco faro ba’an ku haya qeybo ka mid ah Mareykanka oo ay dad u dhinteen

Abdiaziz Bnnstaff

“Faan joogto ah ayaa Muuse laga fadhiyi kari waayay Ilaa Qaaxo, Muftaaxii dagaalkaan haya” Xildhubaan Khadar Guun

Abdiaziz Bnnstaff

Gurigii Odayaasha Dhaqanka Gobolada Galbeedka Oo La Iibshay Iyo Cida Iibisay Oo Farta Lagu Fiiqday

Abdiaziz Bnnstaff