Borama News Network

Ruushka Oo Sheegay In Fariimaha Trump Ee Ku Aadan Dagaalka Ukraine y yihiin ‘kuwa ay wanaag u arkaan’

Kremlin-ka ayaa sheegay in ay arkaan “fariimaha togan” oo uga imanaya dhanka Donald Trump oo ku aadan Ukraine, in kasta oo ay sidoo kale qirsan yihiin inaan la saadaalin karin madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Ruushka.

“Calaamadaha aan aragno waa kuwo togan. Intii lagu jiray doorashadiisa Trump wuxuu ka hadlay sida uu wax walba ugu arko in heshiis lagu dhamayn karo,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov. “Ma uusan sheegin in uu rabo in uu Ruushka u geysto guuldarro istiraatiji ah, tanina waxay ka soocday isaga maamulka haatan talada haya”.

Si kastaba ha ahaatee, Peskov ayaa sidoo kale xusay, in Trump uu yahay “wax aan la saadaalin karin”, gaar ahaan marka ay timaado ku adkeysiga ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada.

Related posts

Booliska gobolka Banaadir oo ka hadlay dhallinyaro dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Urur Siyaasadeedka Horseed Ayaa Soo Dhaweeyay Xeerkii Isi Saarka Doorashooyinka Ee Golaha Guurtidu Ansixiyeen

Abdiaziz Bnnstaff

Bulshada Reer Baki Oo Si Wayn Ugu Soo Dhaweeyay Darajada Cusub Ee Loo Dalacsiiyay Degmada Baki

Abdiaziz Bnnstaff