Borama News Network

Ruushka oo sheegay in uu weeraro badan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iska caabiyeen

Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay burburiyeen daraasiin diyaarado kuwa aan duuliyaha lahyn ah oo ku sugnaa gobollo badan oo dalkaasi kamid ah.

Weerarkii ugu weynaa ayaa ka dhacay gobolka Krasnodar ee koonfurta Ruushka, halkaasoo lala beegsaday warshad saliidda sifeysa. Saraakiisha dalka Ukraine ayaa ku waramaya in duqeymo cusub oo ay diyaaradaha Ruushka ka geysteen magaalada dekedda leh ee Odesa.

Weeraradan ayaa kusoo beegmaya xili dalka Ruushka ay ka dhaceyso doorasho guud oo muran badan dhalisay taasi oo madaxweyne Vladimir Putin u badan tahay inuu ku guulaysan doono.

Vladimir Rogov, oo ah hoggaamiyaha Ruushka u magacabay gobolka Zaporizhzhia ee Ukraine, ayaa Axaddii sheegay in laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Yukreeniyaan ah ay weerareen goob codbixineed – dabna qabadsiiyay dhismaha laakiin ma aysan geysan wax dhimasho ama dhaawac ah.

Related posts

Dowladaha Imaaraadka iyo Jabuuti oo ka wada hadlay qodob xaasasi ah

Abdiaziz Bnnstaff

Murashax Cabdiraxman Ciro Oo Ka Sheekeeyay Taariikhda Suldaan Bare Xaji Bulshadana Ugu Baaqay In Ay Cafiyaan

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweyne Xasan “Ethiopia Miyirku Ha Idiin Soo Laabto Kama Wada Hadli Karno Badeena Iyo Dulkena” Madaxwayne Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff