Borama News Network

Ruushka Oo Weerarro Loo Adeegsaday Gantaallo Ku Qaaday Ukraine

Ruuashka ayaa weerarro loo adeegsaday gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxaana ku dhintay ugu yaraan sagaal qof in ka badan 60 qof-na way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Duqa magaalada, Vitali Klitschko, ayaa sheegay in dab ka dhashay duqeymaha uu keenay burbur iyo gubasho soo gaaray xaruumo iyo guryo.

Ruushka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday waqooyiga bari ee magaalada Kharkiv iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof, sida uu sheegay duqa deegaanka.

Khasaaraha ka dhashay weerarada Ruushku uu ku qaaday magaalooyinka ka tirsan dalka Ukraine, ayaa laga cabsi qabaa in ay kordhaan maadama weli loo malaynayo in burburka guryaha ay dad ku hoos jiraan.

Weeraradan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku eedeeyay madaxweynaha Ukraine inuu dhaawacayo wada xaajoodyada nabadeed.

Related posts

Madaxwayne Ciro Oo Xil U Magacaabay Ismaaciil Yare Oo Ka Mid Ahaa Siyaasiyiintii Sida Wayn Ula Soo Dhaqeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Africaan Ah Oo Haya Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaasi Iyo Siday Ay Ugu Suuro Gashay

Abdiaziz Bnnstaff

Tahriibayaal Ka Dhintay Xeebaha Dalka Tunisia Iyo Tirada Dadka Dhintay Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff