Borama News Network

Saaxibada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saaray Khilaafka Dowladda Federaalka Iyo Jubaland .

Dalalka saaxibada Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Juballand.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dalalka Belgium, Jabuuti, Finlad, Jarmalka, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudiga, Qadar, Ruushka, Spain, Switzerland, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka iyo urrurro ay kamid yihiin Urur-Goboleedka (IGAD), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS) , ayaa waxay ku sheegeen, inay ka walaacsanyihiin khilaafka cirka isku shareeyay ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Jubaland, kadib kulankii dhowaan u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxaan ku boorrineynaa dhammaan saamilayda inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Jubaland ayaa lagu booriyay inay dib ugu laabato shirka golaha wadatashiga qaran, si bay yiraahdeen wadahadal furan looga yeesho dhamaan arrimaha taagan, loona soo celiyo xirriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Dhinacyada ayaa sidoo kale lagu booriyay, inay joojiyaan xiisad-abuurka oo ay dib ugu bilaabaan wadahadal furan, ka-hor inta aan la dhamaystirin geeddi-socod kasta ee doorasho.

Saaxiibada Caalamku waxay sheegeen inay tageeersanyihiin horumarinta ajendaha dawlad-dhisidda Soomaaliya, oo ay ku jiraan hamiga loo qabo in si hore-u-socod leh loogu gudbo doorasho qof-iyo-cod ah iyadoo loo marayo nidaamyo doorasho oo loo dhanyahay.

Related posts

“Nina Duri Mayno Nina Daari Maynee Dhex Dhexaad Ayaan Ka Noqonaynaa Doorashada “ Boqor Buurmadaw

Abdiaziz Bnnstaff

Ganacsade Ina Jabuutaawi Oo Si Adag Ula Hadlay Beesha Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu Salka Ku Hayaa Safarka Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Ee Dalka Turkiga Uu Ku Tegayo

Abdiaziz Bnnstaff