Borama News Network

Sacuudiga Oo Ka Hor Yimid Soo Jeedinta Israa’iil Ee Ah In Falastiiniyiinta Dhulkooda Laga Raro

Sacuudiga ayaa xaqiijiyay diidmadiisa ku aaddan hadallada Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda, sida wasaaradda arrimaha dibadda ay ku sheegtay war ay saakay soo saartay.

Saraakiisha Israa’iil ayaa soo keediyay in gobol Falastiiniyiinta leeyihiin laga sameeyo dhulka Sacuudiga.

Netanyahu ayaa wareysi siiyay telefishinka Channel 14 isagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan arrimaha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Warka Sacuudiga si gaar ah looguma xusin soo jeedinta Netanyahu ee in gobol ay Falastiyiinta leeyihiin laga sameeyo Sacuudiga.

Dhanka kale, Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale ka horyimid warka Netanyahu, iyagoo ku sheegay inay tahay faragelin toos ah oo dhulka Sacuudiga ah.

Related posts

“Reer Kenya way igu taageereen in aan noqdo Guddoomiyaha Midawga Afrika” Wasiirka Khaarajiga Jabuuti

Abdiaziz Bnnstaff

“ Ninka aniga iga maarmi kara uma muraad sheegto”. Cabdilahi Dheere

Mustafe haji

“Midnimadii 30 ka sano ee Soomaaliyeed muu jirin wax heshiis sharci ah oo la wada galay ma jirin..”Maxamed Kaahin

Abdiaziz Bnnstaff