Borama News Network

Sacuudiga oo maanta laga tukanayo Salaad Roob-doon ah Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa ku baaqay in maanta oo Khamiis ah dalka oo dhan lagu tukado salaad, Roob-doon ah sida lagu sheegay bayaan la soo saaray

Boqorka ayaa ku baaqay in la tukado Salaadda Roob-doonta, taasoo ka sugnaatay Nebi Muxamed (NNKH), oo marka abaaru dhacdo waxaa Alle la waydiistaa roob khayr qaba oo lagu barwaaqoobo.

Boqorka ayaa sidoo kale ka codsaday dhammaan Muslimiinta in ay duceystaan dambi dhaafna ay Alle waydiistaan una toobad-keenaan.

Waxa kale oo uu ka codsaday dadka in ay badiyaan wax yaabaha naxariista ah oo Alle SWT, ay ugu dhawaadaan, sida sadaqada iyo ducada si Alle ugu naxariisto.

Related posts

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Oo Ku Hanjabay In Uu Adeegsan Doono Hubka Wax Gumaada Ee Nukliyeerka

Abdiaziz Bnnstaff

Badhasaabka gobolka Awdal oo Amaro Adag duldhigay shirkadah Korontada iyo Nadaafada ee magaalada

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Qaabkii Ay U Dhacday Doorashadii Maayirka Iyo Maayir Ku Xigeenka Cusub Ee Borama

Abdiaziz Bnnstaff