Borama News Network

Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay oo Imaaraatka Carabta ku eedeeyay hurinta dagaalka Sokeeye ee Dalkaas.

Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay Al- Harith Idriss Al- Harith oo ka hadlay fadhi Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka lahaa colaadda ka taagan Dalkaas ayaa eedeyn culus kala dul-dhacay Isutagga Imaaraatka Carabta.

Al Harith ayaa Imaaraatka Carabta ku eedeeyay in uu ka shaqeynayo ama uu hurinayo colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Suudaan ee u dhaxeysa dhinacyada isku haya Siyaasadda sida uu ku sheegay khudbadda uu jeediyay.

Danjiraha Suudaan ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in Xukuumadda Abu Dhabi ay taageereyso Xoogga Hubaysan ee dagaalka adag kala soo horjeeda Dowladda ee loosoo gaabiyo RSF oo ciidanka qaranka dagaal culus kala hortagay.

Waxa uu soo jeediyay in si gaar ah loo eego dhibaatooyinka ka jira Jamhuuriyadda Suudaan isla markaana Isutagga Imaaraatka Carabta lagu cadaadiyo joojinta faragelinta ay ku sameyneyso Dalkaas iyada oo garab istaag u muujineysa RSF.

Bishii Abriil sanadkii hore 2023 waxaa Magaalada Khartuum Caasimadda Jamhuuriyadda Suudaan ka billowday dagaal burbur xooggan soo gaarsiiyay Dalkaas waxaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray Rayid iyo dhinacyada dagaalamaya.

Related posts

Madaxwayne Hore Farmaajo Oo Ka Warbixiyay Sabta Uu Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Abdiaziz Bnnstaff

Labo garsooreyaal sare ka ahaa Iiraan oo lagu dhex toogtay gudaha maxkamadda ugu sarreysa Iiraan

Abdiaziz Bnnstaff

Warbixin:- Lacagta ku baxda alaabooyinka Somaliland la soo bixi karto ee dibadaha laga soo iibsado

Abdiaziz Bnnstaff