Borama News Network

Sheekh boqol jirsaday oo carruutiisuna boqol ku dhowdahay oo hadda dhalashadiisa u dabaal dagaya

Caalimka weyn ee hoggaamiyaha dariiqada Tijjaniyya ee dalka Nigeria Sheekh Dahiru Usman Bauchi ayaa u dabaal degaya dhalashadiisa maadaama uu hadda boqol jirsaday.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu ayaa u hambalyeeyay waddaadkan oo si weyn looga yaqaanno gudaha Nigeria.

Sheekh Dahiru Bauchi waxa uu caan ku yahay fidinta iyo wax baridda umadda gaarahaan diinta Islaamka, iyadoo gudaha dalka Nigeria iyo wadamo kala duwan oo caalamka ahba uu waxna dad ku baray isaguna ka bartay.

Sheekh Dahiru Usman Bauchi waxa uu dhashay maalin Arbaco ah June 28, 1927-dii, waxaana uu ku dhashay magaalada Nafada ee gobolka Gombe, waqooyi bari Nigeria.

Wareysi uu siiyay BBC-da mid ka mid ah wiilasha uu dhalay Sheekha oo lagu magacaabo Sheekh Bashiir Daahir Usman Bauchi ayaa sheegay in hadda tirada carruurta uu Sheekhu dhalay ay gaarayaan ilaa 90-carruur ah, ayna sii dhaleen in ka badan 100 carruur ah.

Bashiir Daahir ayaa sheegay in ay jiraan 70 ka mid ah carruurta uu dhalay uu dhalay aabbihii oo xifdiyay Qur’aanka kariimka ah. Sidoo kale caruuurta uu awoowaha u yahay ayaa badankood xifdiyay Qur’aanka kariimka ah.

Xaasaska Sheekh Dahiru Bauchi, waa afar. Waxaana la sheegay in waxyaabaha uu jecelyahay ay ka mid yihiin aqrinta qur’aanka iyo xirashada dharka midabka cad leh.

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Wajaale

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamse”Madaxweynaha Ayaa Wax Dhan Iska Heysta Dadka Dhahaayo Waa Beentood”

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg: Somaliland Oo Iclaamisay Dagaal Dhanka Hawada Ah Oo Ay La Galayso Dowlada Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff