Borama News Network

Shidaalkii ugu horeeyay oo sanadkaan laga soo saarayo Soomaaliya iyo gobolka laga qodayo oo la shaaciyay

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo qodista ceelkii shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shilkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.

Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu

Related posts

Xisbiga Wadani Oo Jawaab Kulul Kabixiyay Hadalkii Wasiir Maxamed Kaahin, Iyo Sababta Loo Xusi Waayay Xuska Aas Aaska Ciidanka Booliska Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

” Madaxweyne Fataatiiro Ciyaarka inaga daayo Doorasho qabo ” Xildhibaan Guruuje Oo Fariimo Culus U Diray Madaxwayne Muuse Biixi.

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Waxa Uu Caadaystay Cayda Iyo Aflagaadada Ciidanka Qaran” Wasiir Maxamed Kaahin

Abdiaziz Bnnstaff