Borama News Network

Shiinaha oo lagu tilmaamay inuu door ka qaadan karo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine

Raysal wasaaraha Hungary, Victor Orban, ayaa sheegay in Shiinaha uu door muhiim ah ka ciyaarayo abuurista xal nabadeed ee dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Qoraal, lagu daabacay barta bulshada ee X (oo hore u ahayd Twitter) ayaa timid ka dib markii uu wadahadal kula yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, magaalada Beijing.

Mr Orban, oo booqashadiisa loogu yeero “socdaalka Nabadda ” ayaa ku sugan Shiinaha ka dib markii uu booqasho lama filaan ah ku tagay Ruushka iyo Ukraine toddobaadkii la soo dhaafay tan iyo markii uu la wareegay xilka madaxtinimada Midowga Yurub.

Wuxuu Jimcihii kula kulmay magaalada Moscow madaxweyne Vladimir Putin si uu ugala hadlo dagaalka Ukraine.

Related posts

Dowlada Urdun Oo Dalkaasi Ka Mamnuucday Ururka Ikhwaanul Muslimiin Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff

Dib Dambe U Heshiin Maynee Halkaas Aynu Kala Joogno Waxbaa Baalaha Iga Yaacay Dambena Yaan La Idinka Maqlin” Garaad Jaamac Garaad Cali

Abdiaziz Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Soo Faragaliyaan Arimaha Somaliya