Borama News Network

Shiinaha oo sheegay in ay garab taagan yihiin Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha ee u fadhiya Safaaradda Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha siyaasadda.

Safiirka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa uga mahad celiyay dowladda shacabka Shiinaha dadaalada ay ku garab taagan yihiin Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in maanta ay tahay sannad guuradii 10-aad ee furitaanka safaaradda Shiinaha, wuxuuna ugu hambalyeeyay Wasiirka iyo shacabka Soomaaliyeed Maalinta Calanka.

Related posts

Mareykanka oo ka digay goobo Muqdisho ku yaala oo ay weerarro ka dici karaan

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa & Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika?

Abdiaziz Bnnstaff

Hadal Uu Jeediyay Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Ka Cadhaysiiyay Israa’iiliyiinta