Borama News Network

Shiinaha oo sheegay in uu la shaqayn doono xukuumadda Trump

Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ballan qaaday inuu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Donald Trump, kadib kulankii ugu dambeeya ee uu la yeelanayo hoggaamiyaha hadda ee Mareykanka Joe Biden.

Labaduba waxay ku kulmeen Sabtidii shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha ee Asia-Pacific (Apec) ee sannadlaha ah ee Peru ka dhaca, halkaas oo ay ku qireen “kor u kaca iyo hoos u dhaca” xiriirka labada waddan ee afartii sano ee Biden xafiiska joogay.

Laakiin labaduba waxay muujiyeen horumarka laga gaaray hoos u dhigista xiisadaha arrimaha qaar sida ganacsiga iyo xaalka Taiwan.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha uu noqon karo mid aan hagaagsanayn marka uu Trump ku soo laabto xafiiska laba bilood gudahood, taas oo ay sabab u tahay arrimo ay ka mid yihiin ballan-qaad uu ku kordhinayo canshuuraha badeecadaha Shiinaha.

Related posts

Intii Muuse Ka Xanaaqday Ee Wadani Tegtay Waxaa Hadana ka daba tagtay “Guddoomiye Xisbiga UCID

Abdiaziz Bnnstaff

“Laascaanood oo ah Magaalo yar oo Xanaaqsan Maamul Ma Noqon karto”Siyaasi Cabdirashid Diiriye.

Abdiaziz Bnnstaff

Hooyo, Waxaan Arkay Iyadoo Wada Holceysa Oo Gubanaysa” Caruurt Luul, Oo Xamar Lagu Gubay.

Abdiaziz Bnnstaff