Borama News Network

Shirka 21aad Ee Horumarinta Bangiyada Africa Oo Ka Furmay Dalka Kenya Iyo Qodobada Lagu Lafo Gurayo Shirkaasi

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika uu Bangiga Adduunka maalgaliyo. Qodobada ay soo saaraan Wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer Madaxweyne, kaas oo qab soomi doona 29-ka April 2024-ka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Sidoo kale warka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah si oo sare loogu qaadayo wax soo saarka gudaha, dib-u-habeynta maaliyadda taas oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la filayaa in uu kulan duceedyo la yeesho qaar ka mid ah Wasiirrada dhiggiisa, isaga oo kala hadli doono xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.

Mustaqbal

Related posts

kumanaan qof oo ka qaxay xerada qaxootiga ee ugu weyn Suudaan

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarkii dhimashada Iyo dhaawaca badan sababay ee ka dhacay Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

Tplf Oo Mar Kale La Wareegtay Gacab Ku Haynta Caasimada Gobolka Tigeryga Ee Maqale

Abdiaziz Bnnstaff