Go’aankan ayaa imaanaya maalmo ka hor inta uusan xilka la wareegin madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump.
Muuqaal uu lagu daabacay Facebook ayuu Mark Zuckerberg oo ah madaxa iyo milkaha Meta, wuxuu ku sheegay in la joogo xilligii dib loo soo celin lahaa xorriyadda hadalka, isagoo intaas ku daray in hubinta iyo dabagalka afkaaraha dadweynuhu ay ahaayeen kuwo caddaaladdarro ah.
Waxaa uu sidoo kale farta ku fiiqay in aaladihii ay ugu talagaleen hubinta ay abuureen dhibaato ka fara badan waxayabihii ay doonayeen in ay ka hortagaan.
Tallaabadan waxay ku soo aadaysaa sidoo kale iyadoo Zuckerberg iyo madaxda kale ee dhanka tignoolajiyada ay doonayaan inay hagaajiyaan xiriirka kala dhexeeya madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ka hor inta uusan xafiiska la wareegin dabayaaqada bishan.
Trump iyo xulafadiisa Jamhuuriga ayaa Meta ku dhaleeceeyay siyaasaddeeda hubinta xogaha iyo xaqiiqooyiinka, iyaga oo ku tilmaamay mid lagu faafreebayo codadka garabka midig.
Ka dib markii lagu dhawaaqay isbedellada, Trump ayaa shir jaraa’id ku sheegay inuu la dhacay go’aanka Zuckerberg iyo in Meta ay “soo martay waddo dheer”.
Mar la weydiiyay in Zuckerberg uu “si toos ah uga jawaabayey” hanjabaaddii Trump uu horay ugu jeediyay, ayaa ku jawaabay: “waa laga yaabaa”.
Meta barnaamijkeeda hubinta xaqiiqooyinka , oo la soo soo saaray 2016-kii, waxa hab tixraaca qoraalada u muuqda inay been yihiin ama marin habaabiyeen ururada madaxa banaan si ay u qiimeeyaan kalsoonidooda lagu qabi karo warkaasi.
Qoraalada loo calaamadeeyay inay khaldan yihiin waxay yeelan karaan calaamado ku lifaaqan iyaga oo siinaya daawadayaasha macluumaad dheeri ah, waxaana hoos loogu dhigayaa tirada bulshada arki karta.