Borama News Network

Shirkadda Elon Musk Oo Lagu Eedeeyay In Ay Lacag Ka Qaaday Argagixso

Shirkadda X ee horay loo oran jiray Twitter ayaa siisyay adeegyada rukumashada bogag ay leeyihiin kooxo argagixiso ah, sida ay sheegeen kooxo ololeeyayal tiknoolajiga ah.

Barnaamijka TTP ayaa ogaaday in shirkadda X ay siisay calaamada buluuga ah akoono ay leeyihiin xubno ka tirsan ururka Xisbullah iy kuwa kalaba.

Calaamadda buluugga ah ayaa bishii lagu kireeyaa $8 iyada oo macaamiisha u ogolaaneysa inay daabacaan qoraalo dhaadheer oo gaaraya dad badan.

X ayaa warbixintaan ka dib kala noqotay calaamadii dadka qaar, iyada oo sheegtay in ay adkeysay ammaanka.

Go’aanka Elon Musk ee ahaa inuu lacag ka aado dadka haysta calaamadda buluugga ah ayaa wuxuu ahaa id kamid ah waxyaabihii ugu badan hadal haynta dhaliyay sanadkii 2022 kii oo uu iibsaday shirkadda.

Related posts

“Markaan Bood-Boodayo Awoodayda Ayaan Dadka Tusayaa Iyo Inaan Xoog Ahay Oo Aan Soo Socdo”

Abdiaziz Bnnstaff

Maydad Afar Wiil Oo La La’aa Oo Laga Helay Gobolka Minnesota Ee Salka Maraykanka Iyo Faahfaahinta

Abdiaziz Bnnstaff

“Waynu isku soo soomaynaa ka dibna Ololihii doorashada ayaynu gali doonaa”Murashax Cabdiraxmaan Ciro

Abdiaziz Bnnstaff