Borama News Network

Shirkadda Konami oo Xulalka la dooran karo kusoo dartay Soomaaliya

Shirkadda Konami ayaa shalay saacisay isbaddelkeeda cusub ay ku sameysay E Football oo sanad weliba labo jeer wax ka baddesha hab ciyaareedka waxna kusoo kordhisa maadaama tartan adag ay kula jirto shirkado kale.

Konami oo laga leeyahay Dalka Japan lana aasaasay 21kii Maarso sanadkii 1969kii ayaa sanadihii u dambeeyay waxa ay rukun badan ku yeelatay Soomaaliya waana tan keentay in Xulalka la dooran karo lagu soo daro.

Inta badan Dhallinyarada ayaa ku qasbanayd in ay doortaan Xulal ama Naadiyaal kale, balse haatan waxa ay fursad u helayaan in ay ku dheelaan Magaca iyo Calanka Soomaaliya, durbo dad badan ayaa billaabay in ay saartaan.

Shirkadaha soosaara waxyaabaha ay isku medadaaliyaan Dhallinyarada oo tartan adag ku jira ayaa inta badan ku loolama soo jiidashada rukunka ku xiran, waxa ay sanadkiiba labo jeer isbaddel ku sameeyaan adeegyadooda iyaga ka duulaya isbaddelka xiligaas jira.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe dib ugu soo laabatay saaxada Kubadda Cagta, waxaa usoo baxay Ciyaartoy, Macallimiin iyo Garsooreyaal kubadeed, tartamada kala duwan ee la qabtay ayaa indhaha daneeyaasha kubadda Cagta soo jiitay.

Mustaqbal

Related posts

Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Oo Maanta Ku Dhawaaqaysa Go’aanka Kiiskii Sayid Cali

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani War Deg Deg Ah Soo Saaray

Abdiaziz Bnnstaff

Dameer Aan Fuushanahay Dhuusadiisu Maxay I Yeeli,wasiir Siciid Sulub,cali Cantar Iyo Bashiir Cabdi Waa Qaran-dumis,hala Soo Xidho, Safaaradda Turkiga Ee Hargeysana Hala Saaroā€¯xil Shaadh

Abdiaziz Bnnstaff