Borama News Network

Somaliland Iyo SSC-Khaatumo oo kawada hadlaya Is dhaafsiga Maxaabiista ay ku kala qabsadeen Dagaallada ka dhacay Laascaanood

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Maamulkiisa & kan sida Kumeel-gaarka ah ay u aqoonsatay Dowladda Federaalka ee SSC-Khaatumo uu u socdo wadahadal la isku dhaafsanayo Maxaabiista ay kala haystaan.

Kaahin ayaa sheegay in dedaallada haatan socda ay ka muuqdaan isku soo dhawaanshiyo sidaas awgeed ay doonayaan labada dhinac in ay ka mira-dhaliyaan sidii ay isku dhaafsan lahaayeen Maxaabiista u kala xiran ee dagaallada lagu kala qabsaday.

Ma sheegin halka uu wadahadalka ka socda, goorta uu billowday, qaabka la isku weydaarsanayo Dadka u kala xiran & waqtiga lasoo gabagabeynayo ee la is dhaafsanayo Maxaabiista ay kala qabsadaan Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

“Maxaabiistaas way jirtaa dhinacooda maxaabiis baa joogta sidoo kale dhankeena maxaabiis kale ayaan haynaa, Somaliland meel aad u fiican ayay ka taagan tahay, Markasta waxa ay diyaar u tahay in si nabadgalyo oo aan shuruud lahayn in la isku wareejiyo, Hadda ma muddeysta oo wadahadalka labada dhinac baa wax ka dhiman yihiin, Wadahadalka labada dhinac wax way ka billaaban yihiin oo marka la dhammeystiro ayay ka heshiinayaan xiliga & qaabka loo kala wareegayo” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay BBC Soomaali.

Somaliland ayaa dagaalladii ka dhacay Laascaanood sanadkii tagay 2023 waxa ay ku qabatay Maxaabiis uu kamid yahay Xildhibaan hore Faarax Dalmar halka Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo uu qabtay xubno uu ugu darajo sarreeyo Faysal Cabdi Bootaan oo haystay ciidankii ka dagaalamay Laascaanood.

Dhowr jeer waxaa fashilmay wadahadal & dedaallo kala duwan oo lagu doonayay in la isku dhaafsado Maxaabiista ay kala qabsadeen Somaliland iyo SSC-Khaatumo kaddib markii shuruudo adag oo dhinac weliba miiska uu soo dhigay inkasta oo haatan lagu soo warramayo in uu jiro dabac siyaasadeed oo labada Maamul ay muujinayaan.

Related posts

Madax dhaqmeedka Gobolka Awdal oo si adag uga Biyo diiday wararka Beenta ee Borama laga Fidiyey

Abdiaziz Bnnstaff

Xayawaano Loo Haystay In Ay Ka Davar Go’een Somaliland Oo Lagu arkay Buuraha Gobolka Sanaag

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wasiirrada Somaliya oo maanta go’aan ka gaadhaya Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya ku dhexmaray Addis Ababa.

Abdiaziz Bnnstaff