Borama News Network

Somaliland Oo Beenisay In La Weeraray Markab u Rarnaa Dekeda Magaalada Berbera.

Somaliland ayaa beenisay in markab ay gantaalo ku weerareen falaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen uu u rarna dekeda magaalada Berbera.

Maareeyaha Guud ee Kaydka Haamaha Shidaalka Somaliland ee Berbera Axmed Ibraahim Cabdi oo waraysi gaar ah siiyay VOA, ayaa beeniyey warar sheegaya in markab shidaal u siday haamaha Berbera ay kooxaha Xuutiyiintu ku weerareen Badda Cas.

Maareeyaha ayaa sheegay in markabku uu u socday dalka Singapore isla markaana uu shidaal kasoo qaaday dalka Ruushka, aananu u socon magaalada Berbera.

“Markabka la sheegayo waxa leh shirkada Trafigura, waxa uu shidaal ka keenay dalka Ruushka, waxa uuna u socday dalka Singapore, markaa wax kusoo socda Berbera muu ahayn, aad ayaanu ula soconaa wixii shidaal ah ee u socda Badda Cas” ayuu tidhi Maareeyuhu.

Kooxaha xuutiyiinta oo wacad ku maray in ay weerari doonaan maraakiibta iskaga kala gooshaysa marinada ganacsiga ee Badda Cas ayaa gantaalo ku weeraray markab laga leeyahay dalka Ingiriiska oo marayay biyaha Badda Cas.

Somaliland ayaa aad walaac uga muujisay khatarta soo wajahday maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, iyada oo dhawr jeer beesha caalamka ugu baaqday in layska kaashado ilaalinta amaanka biyaha Badda Cas.

Voa Somali

Related posts

Dameer Aan Fuushanahay Dhuusadiisu Maxay I Yeeli,wasiir Siciid Sulub,cali Cantar Iyo Bashiir Cabdi Waa Qaran-dumis,hala Soo Xidho, Safaaradda Turkiga Ee Hargeysana Hala Saaro”xil Shaadh

Abdiaziz Bnnstaff

Culimada Somaliyeed Oo Kulan Ka Yeeshay Xiisada Badda Lughaya Iyo Damaca Dowlada Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

“Muuse Biixi Iyo Abiy Ahmed Waa Labo Nin Oo Iska Sheekaystay Dadkuna Dareen Bay Qabaan” Xildhibaan Caano Nuug

Abdiaziz Bnnstaff