Borama News Network

Somaliland Oo Sheegtay In Ayna Dowlada Fadaraalka Somaliya Aanay Wax Lug Ah Ku Lahayn Doorashooyinka Ka Dhacaya Somaliland

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa lagu cambaareeyay, hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya uu ka jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ahaa in Dawladda Federaalku si dhaw ula socoto doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota ee November.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dawladda Federaalku ku foognaato arimaha nabadda iyo soo celin amniga ee dalkeeda, waa sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Somaliland.

“Somaliland waa dal dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo-ka- tashigooda,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Somaliland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada oo dhacaysa bisha November ee sanad kan.

Related posts

Somaliland Oo Si Adag Naqdisay Qoraallo Ay Dowladda Federaalka u Dirtay Qaramada Midoobay Iyo Midawga Afrika

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka hadlay Maamuus Ka xayuubinta loo soo Gudbiyey Golaha Wakiillada

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Maamulka Puntland Oo Soo Bandhigay Hubkii Ugu Badnaa Oo Ay Ka Furteen Daacish

Abdiaziz Bnnstaff