Borama News Network

Somaliland Oo u Jawaabtay Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Heshiiskii is-Afgarad Ee Badda

Xukumadda jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa u jawaabtay hadal ay dhawaan jeedisay xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiilada Mareykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota.

Ilhaan ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cali Xassan Maxamed, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ku sheegay, in aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Ilhaan colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida.

Waxaa uu ku eedeeyay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Laascaanood isla markaana ay nacayb iyo kala qeybsanaan ka dhex abuurtay Soomaalida, waa sida uu hadalka u dhigayee wasiirka.

Waxaa uu qoraalkiisa intaa raaciyay in la joogo waqtigii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa khaladaadka ay gashay.

Ilhaan Cumar oo hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri:

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.”

Related posts

Kulan Balaadhan Oo Dhaqaale Loogu Ururinayo Walaalaha Reer Falastiin Oo Maanta Ka Dhacay Borama

Abdiaziz Bnnstaff

Shiinaha Oo Wacad Ku Maray Inuu Dagaal Adag La Geli Doono Canshuuraha Trump

Abdiaziz Bnnstaff

‘Xuduudii Muuse Ka Soo Cararay Si Nabada Ayaanu Ku Tagayna Xoghayaha Xisbiga Wadani’Khadar Xuseen

Abdiaziz Bnnstaff