Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa la hor keenay laba nin oo Soomaali ah oo lala xiriirinayo weerarkii ka dhacay hoteelka Dusit sannadkii 2019.
Labadan nin oo lagu kala magacaabo Xuseen Maxamed Cabdille Cali iyo Maxamed Cabdi Cali ayaa hore loogu soo oogay kiiskan, iyaga oo ka soo hor muuqday xaakim Diana Kavedza, taasoo ku heshay dhammaan eedaha loo haysto.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ay ogaatay in Xuseen uu fududeeyay weerarka, isagoo lacag ka badan 800 kun oo Shilinka Kenya ah ku wareejiyay habka online-ka ee lacagaha la isugu diro, taas oo uu lahaa Cali Saalim Gichunge, oo sidoo kale loo yaqaan Farouk ama Erick Kinyanjui Munyi, kuna dhintay weerarkii ka dhacay hoteelka Dusit, isla markaana ahaa xubin ka tirsan AS.
Dhaqdhaaqyada ragaan ayaa lala socday intii u dhaxaysay Oktoobar 14, 2018 iyo Janaayo 12, 2019, iyagoo ka dhacay aagga Soko Mbuzi ee degmada Mandheera.