Borama News Network

Soomaaliya iyo Ethiopia oo siyaabo kala duwan uga falceliyey xiisadda ka taagan gobolka

Weli waxaa sii xoogeysanaya xiisadda ku xeeran muranka ka dhashay heshiiskii Badda ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia. Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo shalay kula hadlayay Muqdishu ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa khudbad dhiirrigelin ah oo uu u jeediyay ciidamada wuxuu xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan wuxuu ugu yeeray “Cadowga Somaliya ee gudaha ah iyo kan dibadda.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia,Taye Atskeselassie, oo maanta shir Jaraa’id ku qabanayay magaalada Addis Ababab ayaa ku celiyay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ethiopia ee ahaa in Ethiopia aysan iska eegan doonin xaaladaha ka soo kordhay Gobolka, isagoo ku tilmaamay mas’uuliyiinta Soomaaliya “qaarkood” kuwo ay ka soo yeerayaan hadallo cadawtinimo.

Saameynta xiisaddan ka oogan gobolka ayaa sidoo kale laga dareemay magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaasoo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen dad shacab ah oo wata boorar ay uga soo horjeedaan in Ciidamo Masar ka socda la keeno Soomaaliya, isla markaana lagu soo dhaweynayo joogitaanka ciidamada Ethiopia.

Harun Macruf ayaa arrintan ka wareystay Guddoomiyaha degmada Xuddur Cumar Cabdullaahi Maxamuud. Wuxuuna ugu horeyn weydiiyay in shacabka baraha bulshada ka soo muuqday ay ahaayeen kuwa banaan baxayay iyo in kale.

Related posts

Daawo:- Qaabkii Loo Toogtay Madaxwaynihii Hore Ee Maraykanka Donald Trump

Abdiaziz Bnnstaff

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani oo baaq nabadeed u diray bulshada Ceerigaabo ku wada nool

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarkii dhimashada Iyo dhaawaca badan sababay ee ka dhacay Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff