Borama News Network

Soomaaliya kamid noqotay Dalalka ka qaybgalaya shirka looga hadlayo caqabadaha biyaha & xal u helidda Khilaafaadka ka dhasha.

Dalka Indonesia waxaa ka furmay shirka 10aad ee looga hadlayo arrimaha Biyaha waxaana miiska saaran dhowr qodob oo kala ah: ka gudubka caqabadaha biyaha, xal u helidda Khilaafaadka ka dhasha & hirgelinta go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii Biyaha Dunida (UN water conference New York 2023).
Soomaaliya waxaa shirkaan ku metalaya Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraatka Biyaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxa uu madasha la tagay qodobo la xiriira xal u helista dhibaatooyinka lagu qabo Biyaha iyo sida loo hormarin karo iyada oo la iskaashanaya.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta & Khayraatka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah wakiillada kala duwan ee metalaya Dowladaha xubnaha ka ah madashaan ee soo bandhigaya caqabadaha guud ee dhankaas ka jira.

Dalal badan oo biyo wadaag ah waxaa ka dhaxeeya khilaaf xooggan oo salkiisu yahay habka loo isticmaalayo, si xal looga gaaro mad-madowgaas siyaasadeed ayay Qaramada Midoobay u qabatay shirweyne Caalami ah si looga baaqsado dagaal ka dhalan kara nidaamka wadaagga Biyaha ee Dalalkaas is khilaafsan.

Related posts

Sharcigaanu La Tiigsanayna Raga Dilaaliinta Ah Ee Warqada Siciid Sulub Kursiga Ku Xil Ilkacase

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Hore Cali Maxamed Geedi Oo Si Adag Uga Hadlay Damaca Itoobiya Ee Bada Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Xinifoow markuu Rag is Qabsado ayaad Sidaadii Qandaraaskii Xabaalaha Qaadan doontaa” Xildhibaan Food Oo Si Adag U Dhaliilay Gudoomiye Xinif.

Abdiaziz Bnnstaff