Borama News Network

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarkii dhimashada Iyo dhaawaca badan sababay ee ka dhacay Ruushka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarkii dhimashada iyo dhaawaca aadka u badan sababay ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka ee xalay dhacay.

Qoraal lasoo dhigay barta Madaxtooyada Soomaaliya ee Mareegta X ee horay loo oran jiray Twitter waxaa lagu cambaareeyay weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 60ka ruux kuna dhaawacmeen in ka badan 150 kale.

Weerarkaan ayaa ka dhacay goob shineemo ah oo lagu daawanayay Ruwaayad sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaalada Moscow oo goobtaas gaaray kaddib markii weerarkaas uu dhacay.
Xukuumadda Moscow ayaa lagu wadaa in ay war kasoo saarto weerarkaan waxaana haatan baaritaanno xooggan kawada Ciidamada gaarka ah ee qaabilsan ka falcelinta weerarrada halista badan ee caynkaan oo kale ah.

Image

Related posts

Madaxweyne Cirro ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay bilowga dhismaha Waddada Baligubadle – Hargeysa .

Abdiaziz Bnnstaff

Cuqaasha Waxgaradka Iyo Odayaasha Gobolka Awdal Oo War Cusub Ka Soo Saaray Khilaafkii Urur Siyaasadeedka Hilaac Fariina Diray

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda ka taagan gobolka Tigree ee dalka Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff