Borama News Network

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa la wareegay hogaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika kadib qabsoomidda shirka 24-aad ee madashan oo ay ku midaysan yihiin Wasiirada  Maaliyadda dalalka kala ah Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan iyo South Sudan.

Madashan oo inta badan diiradda lagu saaro wadaaga mashaariicda horumarineed ayaa ah madal loogu talagalay in ay isku xirto dalalka dhaca geeska qaaradda Afrika, iyadoo ilaa iyo hada wax yaabaha la hirgalinayo ay ugu muhiimsan yihiin waddooyinka isku xiraya dalalka geeska si ganacsiga iyo dhaqaalaha uu u noqdo mid sahal meel walba ku gaaro.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray kadib la wareegidda guddoonkq madasha ayaa yiri, “Sharaf ayey inoo tahay in aan xilka guddoomiyaha Iskaashiga Dalal Geeska Afrika kala wareego wasiir Axmed Shide.”

Sidoo kale Wasiirk Bixi ayaa qoraalkiisa ku sii yiri, “Soomaaliya waxa ay xubin muhiim ah ka aheyd aas-aaskii madashan, hadana waxa ay  sidoo kale hoggaamin doontaa 2-da sano ee soo socota, is dhexgalka gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah mudnaan muhim u ah himiladeena. Inta lagu guda jiro 2 sano ee soo socota, waxa aan ku dadaali doonaa si kor loogu qaado ganacsiga, maalgalinta kaabayaasha guud ahaan Geeska Afrika.”

Hindisaha Iskaashiga Geeska Afrika waa barnaamij goboleed lagu horumarinayo isdhexgalka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo maalgelinta kaabayaasha dhaqalaaha. Soomaaliya oo kamid ah aasaasayaasha ururkani waxa ay xubin muuqdo ka tahay madashani lagu maalgalinayo dalalka geeska Afrika.

Related posts

Maraykanka Oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirkii Arimaha Dibada Dalka Itoobiya Oo Iska Casilay Xilkii Wasiirnimada

Abdiaziz Bnnstaff

Hadii Ay Somaliya Sidaa U dhaqanto Ma Jirto Sabab Maraykanku Uu … Xildhibaano Maraykanka Ah