Borama News Network

Soomaaliya oo taageero ka heshay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Islaamka

Soomaaliya ayaa taageero wanaagsan ka heshay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Islaamka oo xalay xilli dambe lagu soo geba gebeeyay Banjul.

Qoraal kasoo baxay shirka Wasiiradda Arimah Dibadda ayaa lagu taageeray nabadgelyada, xasilloonida, Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale taageeray murashaxnimada Fawsiya Yuusuf Xaaji Adan, oo ah murashaxa Soomaaliya ee Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Soomalaoiay waxa shirkaasi uga qeeybgalay wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka aya kulammo doceed la yeeshay wasiirada dhiggiisa ah dalla dhowr ah .

Berrito ay aalagu wadaa in Banjul uu ka furmo shir madaxeedka dalalka Islaamka.

Related posts

Somaliya Tii Hore Maaha Oo Waa Ay Ka Xoog Badantahay” Madaxwayne Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Oo Si Wayn Uga Cadhootay Go’aanka Ka Soo Baxay Maxkamada Aduunka Ee ICJ

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Masar Iyo Faransiiska Oo Ku Gorgortamaya Maslaxadaha Ay Somaliya Ka Leeyihiin

Abdiaziz Bnnstaff