Borama News Network

Spain Iyo Ireland oo si rasmi ah u aqoonsanaya Dowlad Falastiin leedahay.

Dowladaha Spain iyo Ireland ayaa xoojiyay qorshaha ay ku shaaciyeen in ay Dowlad madaxbannaan ugu aqoonsanayaan Falastiin iyaga oo sheegay in Calanka Dalkaas laga taagayo Dalalkooda sida ay hadalka u dhigeen.

Ra’iisul Wasaareyaasha Spain Pedro Sanchez & Ireland Simon Harris ayaa sheegay in la joogo waqtigii Falastiiniyiintu ay u heli lahaayeen Dowlad Buuxda oo ay ka dugaashadaan dhibaatooyinka kala duwan ay la kulmayaan.

Dalalka Caalamka ayay ugu baaqeen Madaxda Spain & Ireland in ay raacaan dhabbahaan oo ah mid dhinac istaagaya Dadka dulman ee Falastiin waxaana ay kasoo hor yimaadeen diidmada Israaiil ay kala hortagayso in ay Falastiin gooni ahaato.

Ra’iisul Wasaaraha Ireland ayaa maanta oo arbaco ah ku dhawaaqaya go’aanka Dowladdiisa ee aqoonsashada Falastiin, sidaas oo kale Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa qudhiisa lagu wadaa in uu shaaciyo aqoonsiga Dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin.

Tallaabadaan waxaa si cad u diiday Israaiil iyada oo ku sifeysay in ay dabka sii hurinayaan Dalalka u ololaynaya in ay falastiin gooni ahaato, Xukuumadda Netanyahu ayaa dhowaan kahor timid go’aankii Qaramada Midoobay ee Falastiin loogu codeeyay in ay xubin ka noqoto.

Related posts

Madaxwayne Biixi Oo ka Hadlay Kulan Xasan Sheekh Iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed Ee Turkiga Ka Dhacay

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Barkhada Batuun Oo Shacabka Magaalada Baligubadle U Diray Baaq Culus

Abdiaziz Bnnstaff

Shiinaha oo lagu tilmaamay inuu door ka qaadan karo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff