Borama News Network

Suuragal ma tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Shacabka Caabudwaaq ka uruuriso Hubka u gacan galay?

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud kawada Dhaqdhaqaaq xooggan ay ku doonayaan in ay kusoo uruuriyaan Hubka u gacan galay Shacabka Degmadaas.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in ciidamada Dowladda & Dad hubeysan oo Deegaanka ah isla markaana Diidan in ay hubkaas wareejiyaan ay isku horfadhiyaan Degmadaan dhacda Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Hadal-hayn badan ayaa ka dhalatay Hubka lagu soo raray Gaari nooca Xamuulka ah ee gacanta u galay Shacabka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug iyada oo falcelinta xooggeedu lagu muujiyay wax ka dhalan kara.

Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka hoostaga ee Galmudug ayaa kulan gaar ah ka yeeshay sida ugu fudud ee hubkaas loosoo uruurin karo isla markaana laga fogaanayo in uu isku dhac halkaas ka dhasho.

Haddaba, Suuragal ma tahay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Shacabka Caabudwaaq ka uruuriso Hubka u gacan galay?

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyeen Madaxwayne African Ah Oo Kansar U Geeriyooday

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha JFS oo Addis Ababa ku Qaabilay Safiirrada Dalalka Jaamacadda Carabta u Jooga Ethiopia.

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Si Adag Naqdisay Qoraallo Ay Dowladda Federaalka u Dirtay Qaramada Midoobay Iyo Midawga Afrika

Abdiaziz Bnnstaff