Borama News Network

Taliye Loo Heysto Inay Xabsiga Ka Sii Daysay Xidhiidh Jaceylna La Billowday Nin Ka Ganacsada Daroogada

Haweeney madax ka ah xabsi ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa maxkamad la soo taagay iyada oo ku eedaysyan in ay xabsiga ka sii daysay nin ka ganacsada daroogada oo ay xiriir la yeelatay, kadib markii uu siiyay baabuur Mercedes ah oo qiimihiisu yahay £12,000.

Kerri Pegg, oo 42 jir ah, ayaa loo arkayay xubin firfircoon iyada oo u dallacday shaqooyin dhow ah ilaa ay ugu dambayn noqotay taliyaha xabsiga.

Laakiin waxaa lagu eedeeyay in jabisay xeerarka kaddib markii ay xidhiidh la bilowday maxbuus Anthony Saunderson, kaasoo siiyay gaadhi qaali ah, xilli ay madax ka ahayd xabsi ku yaalla magaalada Lancashire.

Markii booliska ay weerar ku qaadeen gurigeeda oo ku yaalla Orrell, Wigan, waxay ka heleen burushka cadayga oo lagu ogaaday haidde-sidaha DNA, sida maxkamadda laga sheegay. Ms Pegg waxay diidday laba eedeymood oo mid ka mid ahi tahay in ku tumasho dhinaca sharciga ah.

Related posts

“Waxa la gaadhay xilligii Isbeddelka”Guddoomiyha Urur siyaasaddeedka Barwaaqo

Abdiaziz Bnnstaff

Taliyaha Ciidanka XDS “Cadawga Waxba Naga Ma Qaadayaan Ciidamada Badda ha u Diyaar Garoobaano .”

Abdiaziz Bnnstaff

Sida aad ku heli kartid baasaboorka cusub ee Faransiiska iyo sharuudaha kaa xiga

Abdiaziz Bnnstaff