Borama News Network

Tallaalka cudurka Furuqa Danyeerka Mpox oo lagu wado inuu soo gaaro Afrika

Tallaalka furuqa Daanyeerka ee’Mpox’ ayaa soo gaari doona qaaradda Afrika markii ugu horreysay tan iyo markii uu soo baxay nooc cusub oo dilaa ah oo cudurka ah.

Toban kun oo dhoos, oo la dalbay ka hor inta uusan cudurka dillaacin, ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro dalka Nigeria. Waxaa jiray baaqyo ku saabsan in la dedejiyo jawaab calami ah oo laga bixiyo cudurkan ‘Mpox’.

La-taliye ka tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka, Professor Helen Rees, ayaa BBC u sheegtay in ay tahay in si degdeg ah loo oggolaado sharciyeynta daawooyinkan. W-H-O waxay horay ugu dhawaaqday qorshe lix bilood ah oo lagu xakameynayo fiditaanka cudurka mpox.

Related posts

Daawo Qaabkii Ay U Dhacday Doorashadii Maayirka Iyo Maayir Ku Xigeenka Cusub Ee Borama

Abdiaziz Bnnstaff

Dad u socday dabaaldagga Mowliidka oo shil gaari ku dhintay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Putin iyo Hogaamiye Kim Jong Un oo heshiis kala saxiixday Muxuuse Ku Saabsanyahay Heahiiskaasi

Abdiaziz Bnnstaff