Borama News Network

TikTok oo hawada Mareykanka ka baxay saacado kahor inta aan la gaadhin waqtiga

TikTok ayaa hawada Mareykanka ka baxay, saacado kahor xilliga uu dhaqan-geli lahaa sharciga cusub ee lagu mamnuucayo.

Farriin u muuqaneysa dadka isticmaala app-ka ee dalkaas ayaa sheegeysa in sharci mamnuucaya TikTok uu dhaqan-galay, taasoo micnaheedu yahay “inaadan hadda isticmaali karin TikTok”.

“Nasiib ayaan leennahay in Madaxweyne Trump uu muujiyay inuu inagala shaqeyn doono xal dib loogu soo celinayo TikTok marka uu xilka qabto,” ayay farriintu intaa raacisa.

Waxay imaaneysaa kadib markii bartan baraha bulshada ay ka digtay inay “mugdi geli doonto” Axadda ilaa maamulka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Biden uu xaqiijiyo inaan la dhaqan-gelin mamnuucidda.

Madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa sheegay inay u badan tahay inuu TikTok siiyo muddo 90 maalmood ah intaan la mamnuucin marka uu xilka qabto oo berri ah.

Related posts

“Kun Xabo Oo Rasaas Ah Ayaa La Nagu Riday.” Xildhibanada Golaha Deeganka Ee La Xidhay Oo Hadlay.

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliya Oo Awaamiir Culus Ka Soo Saaray Arin Halis Ah Oo Ka Taagan Degmada Cabdicasiis

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay in ay ku guulaysatay kursiga aan joogtada ahayn Golaha Ammaanka ee QM?

Abdiaziz Bnnstaff